Allbanaadir.com
NEWS

C/shakuur Abiib Hayir oo sheegay in laga been abuurtay isagoona cadeeyay Mowqifkiisa

Guddiga maamulka doorashada ee Somaliland ayaa xiligan u muuqda kuwa labo garab mar kale u kala jabay, waxaana soo baxaya khilaaf xoogan oo ka taagan qaabka loo maamulayo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi.

Xubno katirsan guddiga doorashada ee Somaliland gaar ahaan xubnihii uu soo qoray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa taageeray qoraal uu soo saaray oo lagu hakiyay doorashada 16-kursi uu muran hareeyay.

Qoraal kasoo baxay xubnaha taageersan Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland ayaa sheegay in ay taageersan yihiin qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha ku qornaa warqada ku jiray C/Shakuur Abiib .

Gudoomiye kuxigeenka guddiga Doorashada Somaliland C/Shakuur Abiib Hayir ayaa qoraal uu goordhaw soo saaray ku sheegay in uusan ku jirin xubnaha ku saxiixan warqada lagana been abuurtay, waxa uuna cadeeyay in shaqsiyan uusan aheyn aheyn gudoomiye kuxigeen koox uuna diyaar u yahay qabashada howshada loo igmaday.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Abiib soo saaray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay aheyd sababtii Kalluunka loogu waxyooday inuu liqo Nebi Yuunis CS?

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay shidaalka laga keeno Ruushka

Caydiid Ali

Doonyo kalluumeysi oo lakala qabsaday iyo xiisad ka dhalatay oo taagan

Cabdi Cade