Allbanaadir.com
NEWS

Gabadhii ugu horeesay oo Soomaali ah oo dalka Mareykanka ka noqotay duq magaalo

Golaha Deegaanka magaalada South Portland ee ee gobolka Maine ee dalka Maraykanka ayaa gabar asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya u doortay in ay noqoto duqa magaalada.

Deeqa Cabdi Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa loo doortay xilka duqa magaalada South Portland oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn gobolka Maine, waxaana guusha gabadhan si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay Soomaalida kunool Mareykanka.

Gabadhan Soomaaliyeed ee noqotay Duqa magaalada South Portland ayaa horey uga mid aheyd  toddoba xubnood oo lasoo doorto oo uu ka kooban yahay golaha degaanka magaaladaasi.

Deeqa Cabdi Dhalac  ayaa noqonaysa gabadhii ugu horraysay ee soo galooti Afrikan Soomaali Muslim ah ah oo qabata xilka duqa magaalo kutaala dalkan Mareykanka, waxa ayna guusha gabadhan wadada u fureysaa Soomaali badan oo dalkaasi kunool.

Gabadhan Soomaaliyeed ee noqotay Duqa magaalada South Portland , ayaa dalka Mareykanka gashay sanadkii 1992-dii, gabadhan oo ah aqoonyahanad wax baratay ayaa sanado badan u adeegeesay dadka kunool magaaladan ay hada Duqa ka noqotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowlada Somalia oo labo qodob oo xasaasi ah kala hadashay Shiinaha

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyada DF oo ka laabtay Masuuliyiin uu shaqada ka joojiyey & Villa Somalia oo..

Caydiid Ali

Shirkii Dhuusamareeb oo saaka dib u bilowday iyo Axmed oo lagu soo celiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---