Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalo xoogan ay la galeen xoogag taabacsan jabhada TPLF, waxa ayna ciidamada dib u qabsadeeen magaalooyin iyo deegaano ay horey u joogeen TPLF .
Ciidamada u dagaalamaya kooxda TPLF ayaa lagu eedeeyay in tacadiyo iyo dhibaatooyin badan ka geesteen magaalooyin iyo deegaano ay qabsadeeen oo kuyaala gobolada Amxaarada iyo Canfarta.
Afhayeenka Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, Bilene Seyoum, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in kooxda TPLF ay dad badan ku laayeen goobo ay qabsadeen sidoo kale ay bur buriyeen hanti dowladeed iyo mid gaar loo leeyahay.
Bilene Seyoum, ayaa sheegtay in xoogaga TPLF ay bur bur xoogan u geesteen garoomo diyaaradeed, bangiyo kala duwan, xarumo dowlada laheyd iyo sidoo kale goobo kale oo si gaar ah loo lahaa.
Waxa ay sheegtay afhayeenka Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in kooxda TPLF Â ay xasuuq u gaysteen shacabka ku dhaqan deegaanada Gashena iyo Waqooyiga Shoa, waxa ayna xustay in tacadiyada kooxdaasi geesatay lagula xisaabtami doono.
Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa hogaaminaya dagaalka rogaal celiska ah ee ciidamada dowlada federaalka Itoobiya ku doonayaan in ay ku wiiqaan awooda kooxda TPLF oo kusoo dhawaatay magaalada Adis Ababa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com