Safaarada Maraykanka ee Magaalada Addis ababa ayaa weli sii wada digniinta ay ku siineyso muwaadiniintooda dalkaas jooga iney ka baxaan Itoobiya.
“Safaaradda Maraykanku waxay ku boorinaysaa muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Itoobiya inay hadda baxaan. Safaaraddu uma badna inay ka caawiso muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Itoobiya bixidda haddii duulimaadyada ganacsigu ay noqdaan kuwo aan la heli karin” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada.
Qoraalka Safaarada ayaa ugu baaqay Muwaadiniinta Maraykanka ah ee doonaya inay ka dhoofaan Itoobiya iney weli haystaan fursado badan oo ay ku raaci karaan duullimaadyada ganacsiga oo ka yimaada garoonka caalamiga ah ee Bole.
“Haddii ay kugu adagtahay inaad hubiso duulimaadka ama aad u baahan tahay kaalmo si aad ugu laabato Maraykanka la soo xiriir safaarada” ayaa lagu yiri qoraalka safaarada.
Digniinta Maraykanku bixinayo oo dad badan ka yaabisay ayaa ku soo beegantay xili aysan jirin khatar iyo dagaal ku soo wajahan Addis ababa. isla markaana ciidamada dowlada ay jebiyeen weerarkii kooxda TPLF ku dooneysay iney qabsato Itoobiya, iyagoo dib u qabsaday maalmao ka hor dhammaan magaalooyinkii ay soo galeen falaagada.
Itoobiya ayaa horey uga codsatay Mareykanka inuu joojiyo faafinta waxay ugu yeertay wararka been abuurka ah iyo digniinaha aan salka laheyn ee uu baahinayo