Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yaa dambeeya Siyaasada guracan ee boobka doorashada ka socota Somalia?

Rag badan oo loo hanweynaa uguna horeeyey hogaanka lagu hiran lahaa ayaa hoos ugu dhacay jilida laba carablenimo. Hadalkaaga oo aan cabireyn xaqa wanaagasan oo maangalka ah oo aad sida dhabta ah u aaminsan tahay wuxuu ka turjumayaa rumeysnaanta xaqdarrada kuugu duugan, taas oo banaanka keenta isrogrogida qalbigaaga oo uu hadalkaagu ku ifiyo laba carableyn, waxeyna taas shaqsiyada qofka ka dhigtaa mid xumaanta iyo samaanta ay isugu mid yihiin oo hadba kii markaas suuqgeyn leh la iibsanayo sida ay tilmaameysey ooraahda lahayd “La jiifiyaana banana, la joojiyaana banaan.”

Doorashada dalka waxaa boobaya Fahad Yasin oo ku xiran boqortooyadda Qatar iyo dowladda Qatar oo dooneysa iney Soomaaliya lacagteeda iyo xeeladeynta sirdoonkeeda ugu soo doorato madaxweyne hogaamiya Soomaaliya oo iyada hoos keena. Waxaa ah wax la liido Siyaasiyiinta arkaya boobka lagu soo saarayo madaxweyne u afduuban boqortooyadda Qatar ee haddana leh waan ka xunahay ku shubashada ay doorashadu ku socoto, haddana isla markaas leh laakiin ha iska sii socoto qabsoomida doorashada si sanadka cusub bilowgiisa loo helo madaxweynaha ay Qatar wadato, meeshii la rabey in la soo doorto madaxweyne Soomaaliyeed.

Xiliga doorashada la gelayo waxey dadka bartaa guusha halyeeynimada siyaasiyiinta aragtidoodu xasilan tahay oo jihadooda siyaasadeed ay tahay mid si qeexan u cad oo ku socota mowqifyo halbeegsigoodu tilmaaman yahay oo si toosa u abaaraya bartilmaamedsigooda aragtiyadooda siyaasadeed. Waxaa sidaas si la mida ay dadku ku soo baraarugaan fashilka ku dhaca guuldarrada siyaasiyiin loo heystey iney hormood u yihiin aragtiyo ay mabda’yadoodu ku adag tahay oo haddana aaminsanaanta siyaasadahoodu ay gebi dhacleynayaan oo si iska soo horjeeda aragtiyo isdiidan marba mid u baneynaya xalaaleyntooda iyo xaarantinimeyntooda.

Soomaaliya doorasho xaqa oo xalaala kama socoto, waxaana taas ka daran adeegsiga xooga cududa ciidan ee boobka doorashadaas dabo yaala. Siyaasiyiinta ay dadku u hanweyn yihiin ayaa xiligaan oo kale waxey si cad oo aan leexleexad lahayn u diidaan in dalkooda ay dowladda Qatar ku dul xukunto, iyadoo adeegsaneysa dad ay shaqsiyadooda soo kireysatey. Sidaas daradeedna ka soo horjeesta boobka lagu hayo doorashada iyo qorshaha natiijada doorashada boobka ah oo loogu talo galay in lagu fulinayo maquuninta loo adeegsanayo cudud ciidan oo si xoogga loogu bartilmaameysanayo cid walba oo aan raacsaneyn qorshaha mustaqbalka fog ee dowladda Qatar ay Soomaaliya ugu hogaamineyso in dalka ay taladiisu gacanta u gasho argagixiso xagjiriina.

Ma hayo mana hubo mana sugayo in Soomaaliya ay doorasho xora oo xalaala ay ka dhacdo inta Qatar oo adeegsaneysa Fahad iyo kooxdiisa qaab dembiyeedka u abaabulan. Sideedaba waxaan soo muuqan oo aan la arki doonin in la sii raadiyo oo la sii mala’awaalo aniga ilama qumana, maxaa yeelay Qatar iyo mujrimiinta qaran dhiibka ah ee ku xiran waxey talo meel ku dhigteen qorsho aysan cid kale kala tashaneyn, iyaga ayaana dhaxal iibsi dal ahaan isi siiyey milkiyada iyo lahaanshaha dalka. Cid aan tashigaaga rabin inaad go’aankooda sii dhowratid waxey kuu horseedeysaa hoosaasin horseeda kala furfur iyo nabaro naxdin leh oo filanwaa kuugu dhaca. Siyaasiyiinta xorta ah ee madaxbanaan ha tashadaan inta aysan dhicin in lagu fuliyo waxa loogu tashaday.

W/Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka iyo 
Musharax Madaxweynaha Somalia

F.G: Qoraalkan waxaa uu gaar u yahay qoraaga ku saxiixan, kama tarjumayo aragtida Allbanaadir Online..

Related posts

Dad loo heesto dilkii Axmed Dowlo oo sanad kadib maanta Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Caydiid Ali

Sidee RW Khayre & wafdigiisa loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali