Allbanaadir.com
NEWS

Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafad katirsan Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin oday ah oo degmadaasi si weyn looga garanayay.

Sida aan wararka ku helnay Dilka ayaa ka dhacay xaafada Suuq yaraha ee degmada Xamar Jajab, waxaana goobtaasi lagu dilay Cabdi Culusoow oo kamid ahaa dadka deegaanka sida weyn looga garanayay.

Goob joogaaal ayaa ku waramay in Nabadoonka la dilay xili uu salaada Maqrib kusoo dukaday masaajidka Xaaji Rajab, ragii hubeesnaa ee dilka fuliyay ayaana goobtaasi si nabad galyo ah uga baxsaday.

Ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugidadowlada  ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, mana ku guuleesan ciidamada amaanka in ay soo qabtaan kooxihii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilalka qorsheesan ee loo geesto dad shacab ah iyo dad u shaqeeyo dowlada, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalkaasi fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno ka tirsan Daacish oo isku dhiibay ciidanka Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Qeybta gurmadka deg deg ah ee Maamulka G/Banaadir oo heegan la geliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaafka Cumar Finish & Caanaboore oo meel xun gaaray (Maxay isku hayaan)

admin
Taboola Ads ---