Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo War kasoo saaray Caruur Walaalo ah oo si xun loo dilay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay dil argagax leh oo xalay deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir loogu geestay labo caruur oo walaalo ahaa oo kala ahaa Wiil iyo Gabar.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in caruurta walaalaha ah la dal dalay kadibna  afka caro looga shubay.

Waxa uu sheegay afhayeenka ciidanka booliiska soo xireen ninka qabay hooyada dhashay caruurta la dilay oo dilka lagu tuhmayo iyo hooyada dhashay caruurta kuwaa uu sheegay in baaritaan lagu sameenayo.

Caruurtan walaalaha oo kala ahaa Wiil 7-sano jir ah iyo gabar 5-sano jir aheyd ayaa saakay laga helay meydkooda meel ku dhaw xaafada ay degnaayeen, waxaana dilkan lagu tuhmayaa in uu geestay ninka qabay hooyada dhashay caruurtan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Damaca Waalida ah ee Kooxda Ahlu-Sunna Daawo Ma Loo Waayay ?

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Saciid Deni & wafdi uu horkacayo oo soo gaaray Muqdisho

Caydiid Ali

Muxuu Jen. Odowaa kala hadlay taliyaha ciidanka Midowga Yurub ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---