Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman.
Rooble iyo Danjiraha Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arimo dhoor ah oo ay kamid ahaayeen xoojinta iyo horumarinta xiriirka soo jireen ah ee u dhaxeeya labada dal.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale kala hadlay Danjire Maxamed Axmed Alcuthman sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay aad u xumaa, hasa ahaatee Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhoor mar Muqdisho kula kulmay safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya isagoona kala hadlay arimo kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com