Allbanaadir.com
NEWS

Nin si arxan daro ah Muqdisho ugu dilay Labo caruur ah oo Xaaskiiisa dhashay

Waxaa saakay deegaanka Garasbaaley oo katirsan magaalada Muqdisho laga helay meydadka labo caruur ah oo wada dhashay kuwaa oo xalay la waayay xili hooyadood adeeg uga dirsatay dukaan.

Labadan Caruur oo kala ah wiil 7 sano jir ah iyo gabar 5 sano jir ah ayaa saakay meel cidlo ah laga helay iyaga oo si arxan daro loo dilay , waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxy hooyada caruurtan iyo dadka deegaanka.

Hooyada dhashay caruurtan ayaa sheegtay in xalay caruurteeda maraq digaag uga dirsatay dukaan balse aysan dib ugu soo laaban, waxaana baadi goob xalay loo galay caruurtaasi lagu guul dareestay in la helo.

Meydadka caruurtan oo si naxariis daro loo dilay ayaa saakay dadka deegaanka arkeen, waxaana dilka caruurtan looga shakisan yahay loona xiray ninka qabay caruurtan hooyadood sida ay ehelada caruurta sheegeen.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana habeen hore degmada Xamar Jajab nin ku dilay xaaskiisa oo u dhashay 12-caruur ah, waxaa sidan oo kale Muqdisho bilooyin kahor nin ugu dilay wiil uu hooyadiis qabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkad ay leedahay Israel oo lagu weeraray Gothenburg

Caydiid Ali

Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka oo loo daabulayo Qatar, kadib, Xayiraadii Imaaraadka

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamza oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cali Muuse Cabdi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---