Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada sare ee Mareykanka oo taageertay amarkii socdaalka ee Madaxweyne Trump

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa taageertay amar hore u soo saaray Madaxweynaha dalka Mareykanka oo looga mamnuucayay in dalka Marekanka kusoo galaan dadka u dhashay shan wadan oo Muslim ah.

Go’aanka maxkamadda oo ahaa 5-4, ayay ku xukuntay in madaxweynaha uu sharciga socdaalka Mareykanka awood u siinayo inuu xadido safarka dadka ajnabiga ah, sababo la xiriira xagga amniga.

Xaakimka sare ee maxkamadda dalka Mareykanka John Roberts ayaa sheegay in Madaxweynaha si sharci ku jiro u adeegsaday ikhtiyaarka uu siinayo sharciga socdaalka, si dadka ajnabiga ah uu uga hakiyo inay soo galaan dalka Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xaakimka in Madaxweyne Trump uu buuxiyey wixii looga baahnaa ee dhinaca sharciga ah ee uu ku bartilmaameedsanayo dadka aan dalka u dhalan ee socdaalka looga mamnuucay in Mareykanka ku yimaadaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey usoo saaray amar oo dhinaca socdaalka uga mamnuucayay in dalka Mareykanka kusoo galaan dadka u dhashay wadamada Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo ciidamo hor leh geesay xadka Soomaaliya iyo Kenya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & danjire Donald Yamamoto? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxtooyada Somalia oo ka warbixisay safar uu Madaxweyne Farmaajo ugu ambabxay Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---