Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka looga soo horjeedo xoogaga TPLF ayaa ku hanjabay in ay soo afjarayaan ayna cagta marinayaan jiritaanka kooxda TPLF.
Abiy Axmed ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah ciidamada federaalka ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda TPLF, waxa uuna sheegay Abiy in ciidamada sii eryanayaan firxadka jabhada TPLF.
Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya in ciidamada dowladda ay kala wareegeen kooxda TPLF magaalooyin waa weyn oo dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta, waxa uuna sheegay in khasaaro xoogan gaarsiiyeen TPLF.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dagaalyahano badan oo katirsanaa kooxda TPLF ay isku soo dhiibeen ciidanka dowlada kadib markii la jabiyay, waxa uuna sheegay in howlgalka dalka looga xureenayo TPLF ay sii socon doonaan.
Hogaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael, ayaa qiray in lagala wareegay magaalooyin dhoor ah ay horey u joogeen, waxa uuna sheegay hogaamiyahan in xeelad dagaal uga baxeen magaalooyinkaasi ayna sii wadayaan halganka ay ku jiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com