Warbaahinta dalka Uganda ayaa ku warantay in xaaska askari katirsan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta jooga Soomaaliya si arxan daro ah loo dilay, xili ay ku sugneed gurigeeda oo kuyaala ismaamulka Uasin Gishu ee dalka Uganda.
Meydka haweeneydan oo toorey si xun looga dhuftay qoorta ayaa lagu arkay qeyb kamid ah gurigeeda, waxaana caruurteeda iyo dadka dariska markii ay yimaadeen guriga ku arkeyn haweeneydan oo meed ah dhiig badana dhax jiifta.
Sida ay ku warameen warbaahinta dalka Uganda dilka haweeneydan ayaa lagu tuhmayaa nin la sheegay in uu ka yimid degaanka Kabarnet, ninkan ayaana la sheegay kahor geerida haweeneydan in uu guriga ku sugnaa.
Patrick Ng’etich oo ahaa Ninka qabay Haweeneyda la dilay ayaa deg deg ugu laabtay dalka Uganda, kadib markii dhacdadaas lagu soo wargeliyay xilli uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya maadaama uu kamid yahay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabayay Catherine Ruto oo 29 jir aheyd ayaa aheyd hooyo heesata labo caruur ah hadana laheyd uur 7-bilood ah, waxaana hada socda baaritaano lagu sameenayo cidii dolkeeda ka dambeesay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com