Allbanaadir.com
NEWS

Mucaaradka iyo Shacabka oo looga digay in aysan ku qaldamin War kasoo baxay Rooble

Waxaa muhiim ah inaan mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ku kahdoomin, ku qaldamin, ku jaahwareerin warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska RW Roble kuna saabsan dib u soo nooleynta doorashada boobka ah ee la qaadacay, lana soo dhaafay ka qayb galkeeda dambe, ayadoo kuwii ka dambeeyay boobka, musuqmaasuqa doorashada ay awood buuxda haystaan, Qatar, Eritrea, iyo Ethiopia hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, adeegsanayaan ciidammo malishiyaad ah iyo madaxweynayaal dowlad goboleedyo iyo guddiyo doorasho ay madaxdooda keensadeen, baraha bulshadana ka wadaan marin habaabin ah iyo aflagaado.

RW Roble wuxuu maalin cad ka tagay mas’uuliyaddii hoggaaminta doorashada loo xilsaaray iyo ka ilaalinta Farmaajo doorashada uu doonayo inuu boobo ama carqaladeeyo.

Nasiib darro, wuxuu doortay inuu la safto Farmaajo+Fahad+Qorqor+
Laftagareen si loo boobo doorashada, wuxuuna karamaada iyo kalsoonida ka qaaday shacabkii iyo mucaaradkii aaminay.

Sida Rasulkeenna laga soo weriyay, qof muslim, mu’min ah labo goor god lagama wada qaniino, waana mas’uuliyad saaran qofka muslimka inuu ka feejignaanto, ka digtoonaado dhagarta kuwa khaa’imiinta ah.

Xadgudubyada iyo ballan ka baxyada RW Roble waa bateen. Yaan mar kale la siin ahmiyad warsaxaafadeedka marin habaabinta iyo waqti lumiska ah. Kuraasta golaha shacabka ee la boobay ama la baalmaray habraaca doorashada waa ka badan yihiin 20 kursi, haseyeeshe ma jiro Musharrax la boobay ama lagu xadgudbay oo doonaya inuu $ 3,000 kale ku karfano boobka loo geystay, lacagtaaso la siinayo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo diyaar u ah xalaaleynta 99.9 % kuraasta la boobay.

Midowga Badbaadada Qaranka Soomaaliya waxaa laga sugaya mowqif xilka looga qaadayo dowladda federaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed isku dirtay, kala qaybisay, haddana ku wada waddada burburka iyo colaadda sokeeye.

W/Q Siyaasi Dr. Maxamud M. Culusow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Weriye ka mid noqday boqol qof oo maanta lagu laayey duqeymaha Gaza

Caydiid Ali

Madaale oo Dhagax-dhigay xarun degmo oo si casri ah loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo imaaraadka oo kawada hadlay arin Muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---