Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax looga soo horjeedo Muuse Biixi oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Waxaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dhacay banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

Shacabka magaalada oo u badnaa dhalinyaro ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Laascaanood, waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Biixi.

Banaan baxa ayaana markii dambe isku badalay mid rabshado watay oo dhagaxyo tuur ah, ciidamada booliiska Somaliland ayaana markii dambe rasaas u adeegsaday dadka banaan baxa ka dhigayay magaalada Laascaanood.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si weyn uga careesan falalka amni dara ee ka dhaca magaaladaasi gaar ahaan dilalka oo qaarkood ku lug leeyihiin ciidamada booliiska Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo War ka soo saaray Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Jowhar

Caydiid Ali

Shiikh Shariif: “Taag-darida dowlada hadda jirta ayaa igu dhalisay inaan Siyaasada ku soo laabto”

Caydiid Ali

Maxkamada Caalamiga ee ICJ oo dib u dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda ee Somalia

Cabdi Cade
Taboola Ads ---