Allbanaadir.com
NEWS

Meyd saakay lagu arkay xaafad katirsan Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa saakay xaafada Kurdamac oo katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin la dilay oo xirnaa dareeska ay caanka ku yihiin ciidanka milatariga Soomaaliya  .

Dadka deegaanka ayaana saakay arkay meydka askarigan oo yaala wado kutaala xaafada Kurdamac, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in askariga goobtaasi lagu dilay xalay xili dambe loogana tagay.

Meydka askariga la dilay lagana qaatay qoraygii uu watay ayaa ilaa hada yaala goobtii lagu dilay, mana jiraan ilaa hada cid aqoonsatay shaqsiyada ruuxaasi lagu dilay xaafada katirsan degmada Dayniile.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada iyo ciidamada amaanka  oo gaaray goobta meydka yaalo ayaa wada baaritaano ku aadan dilka iyo sidoo loo aqoonsan lahaa ruuxaasi la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka A/dibadda Iran oo gaaray Magaalo ay duqeyn ka wado Israel

Caydiid Ali

Doorashada labo ka mid ah kuraasta Aqalka sare oo caawa ka socota Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray weerar ay ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---