Wasiirka Caafimaadka Somalia Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay nooc cusub oo ka mid a cudurka COVID-19 ah, kaasoo loogu magacdaray Omicron Variant oo hadda ku sii faafaya caalamka.
“Wasaaradda Caafimaadka waxey Daweynaha Soomaaliyeed ku Wargelinaysaa in Caabuqa COVID-19 uu dunida ku soo rogaal celiyay, isla markaana uu Omicron Variant ku faafay in ka badan 40 dal oo dunida ka mid ah” ayey tiri Wasiirka Caafimaadka.
Khubarada Caafimaadka ayaa tilmaamay in Omicron Variant uu ka khatar badan yahay dhamaan noocyadii hore ee Caabuqa COVID-19 sida wasiiradu sheegtay.
Wasiiradu waxay sheegtay si looga hortago halista wareegan cusub ee Caabuqa COVID-19, iney lagama maarmaan tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan feejignaadaan, raacaana talooyinka ka hortaga Caabuqa COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka sida: Joogteynta gacmo dhaqashada, Xirashada afka iyo sanka, hirgelinta kala fogaanshaha dadka ugu yaraan masaafa dhan 1 mitir, iyo qofku uu daboolo afka iyo sanka ama isticmaalo tiish marka uu qufacayo ama uu hindhisaayo iyo weliba  Qaadashada talaalka COVID-19.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com