Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salman ayaa bilaabaya booqasho uu ku tagayo dalalka Khaliijka Carabta, ka hor shir-madaxeedka sannadlaha ah ee dalalka Khaliijka ee dabayaaqada bishan Disembar.
Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa booqan doona dalalka Cumaan, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qatar iyo Kuwait, isagoo dalka Cumaan ku tagaya lugta koowaad ee socdaalkiisa.
Safarka Maxamed Bin Salman ee dalka Qatar ee ay deriska yihiin ayaa dhinaca kale noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku tago tan iyo markii Riyadh iyo xulafadeeda Carabta ay cunaqabateyn ku soo rogeen Doha bartamihii sanadkii 2017, taasoo la xaliyay bishii Janaayo ee la soo dhaafay.
Socdaalka Dhaxal-sugaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan wadahadallo muhiim ah oo looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo heshiiska Nukliyeerka ah ee u dhexeeya Iran iyo reer Galbeedka.
Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo muddo dheer xafiltan kala dhexeeyay Iran ayaa billaabay wadahadllo toos oo ah la yeeshaan Tehran, si ay u xakameyaan xiisadaha gobolka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com