Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsato lagu eedeeyay in lacago siiyaan Al Shabaab oo digniin loo diray

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa digniin adag hawada u mariyay ganacsato ku dhaqan gobolkaasi gaar ahaan magaalada Baladweyne oo lagu eedeeyay in lacago siiyaan dagaalyahanada Al Shabaab ee kusugan gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan Cabdiraxiim Maxmuud ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato ku dhaqan gobolka iyo gaadiidleyda qaarkood oo lacago siiya kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinayay, waxa uuna tilmaamay in baaritaano ay sameeyeen ku ogaadeen I ganacsato iyo gaadiidleyda gobolka qaarkood ay lacago u diraan Al Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka amniga Hiiraan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in ganacsatada iyo gaadiidleyda ay lacago siiyaan Al Shabaab uu sheegay in cadowgooda yihiin, waxa uuna xusay in tilaabo ka qaadi doonaan cidii ay ku helaan dambigaasi

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Ganacsatada gobolka Hiiraan in ay ka digtoonaadaan in ay maal galiyaan Dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna maamulka sheegay in ku daba jiraan dadka lagu tuhmayo in Al Shabaab dhaqaalaha ku taageeraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga degaanka Soomaalida oo Addis Ababa looga yeeray

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha & Jen. Xuud?

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo Dalacsiiyay Sargaalad Miski Maxamed Cali (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---