Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka.
Kulankan wadatashiga ah ay kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo lagu casuumay shirkan wadatashiga ah.
Inta uu socdo shirkan ayaa ka qeyb galayaasha uga doodi doonaan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka iyo waxyaabaha laga maarmaanka ah ee dowlada looga fadhiyo xiliga kala guurka .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com