Dowlada Norwey oo kamid ah wadamada caalamka ee sida weyn u taageera dowlada federaalka ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in doorashada Soomaaliya ka bilaabatay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah .
Qoraal kasoo baxay safaarada dowlada Norwey ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay taageerayaan baaqa beesha caalamka ee ah in doorashada Soomaaliya noqoto mid xalaal ah oo si nabdoon ku dhacda.
Dowlada Norwey ayaa sheegtay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog, waxa ayna sheegtay hadii Soomaaliya hesho hogaan wanagsan in horumar badan gaareyso.
”Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya. Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhabbaha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbalka fog. Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Norwey.
Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee ka bilaabatay qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka ayaa ku bilaabatay nidaam musuq maasuq ah, waxaana si weyn uga hor yimid sida doorashada ku socoto Midowga Musharaxiinta oo abaabul cusub bilaabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com