Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo Meesha ka saaray in la hakinayo Doorashada Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal (FEIT) Maxamed Xasan Cirro ayaa meesha ka saaray in la hakinayo doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka bilaabatay qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Maxamed Cirro ayaa ku tilmaamay arrin aan suurtagal ahayn hakinta Doorashada Golaha Shacabka si loo saxo qaladaad iyo cabasho laga keenay doorashada, waxa uuna cadeeyay in doorashada ay halkeeda kasii socon doonto.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka ee heer federaal in la isku wadi karo sii wadida doorashada dadban iyo sixida khaladaadka iyo cabashooyinka laga soo gudbiyo doorashada .

”Waxa hadda socda waa Doorasho nooceedu dadban yahay oo ay ku heshiiyeen madasha Wadatashiga qaranka, suuragal ma aha in la hakiyo Doorashada balse iyada oo la wado in la saxo waxa jira waa waajib, marweliba waa in la saxo waxa aan heysano oo la fiiriyo waxa laga cabanayo” ayuu yiri Maxamed Xasan Cirro.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaa sidoo kale sheegay in dib u eegis lagu sameenayo habraacii loo maray doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee lagu doortay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Koonfur Galbeed.

Hadalka gudoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaa imaanaya xili guddiga shalay laaleen natiijada labo kamid ah kuraastii golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Baydhabo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Maraykanku uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka Somalia?

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay guusha kiiska Badda, eedeymo culusna u jeediyey Kenya

Caydiid Ali

Kenya oo Sadex Shuruud ku xirtay in xal laga gaaro Xiisada kala dhaxeysa Somalia !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---