Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday nin sanado badan ka ganacsan jiray hilbaha Bisadaha (Daawo Sawirada)

Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa sadex sano oo xabsi ah ku riday nin sanado badan ku howlanaa ka ganacsiga hilbaha bisadaha uu gowraco, ninkan ayaana dhawaan la qabtay agaalada Nakuru xili uu maqaar siibayay bisad uu gowracay.

James Mukangi ayaa Maxkamada ka hor qirtay in uu ka ganacsan jiray hilbaha bisadaha mudo 7-sano ah , waxa uuna ninkan sheegay in dad kale kasii iibin jiray hilbaha bisadaha oo laga sameyn jiray sambuuska.

Maxkamada ayaa dhageysiga dacwadaha loo heesay ninkan kadib ku riday sadex sano oo xabsi ah, waxa ayna Maxkamada ninkan ku heshay in uu ka ganacsaday hilibka bisadaha oo mamnuuc ka ah gudaha Kenya.

James Mukangi oo ninkan ka ganacsan jiray hilbaha bisadaha oo wareysi lala yeeshay ku qirtay inuu gacantiisa ku gowracay in ka badan 1000 bisadood islamarkaasna uu ganacsiga bisadaha ku howlnaa 7-dii sanno ee lasoo dhaafay.

Dalka kenya waxaa ka mamnuuc ah ka ganacsiga hilbaha bisadaha, waxaana ninkan sanadaha badan ku howlanaa ka ganacsiga hilbahada laga yaabaa in uu muteesto sanado badan oo xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Degaan ka tirsan gobolka Mudug oo qarka u saaran inuu Ciidda ka hoos maro (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Safaarada Somalia ee Qaahira (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay Guddi ay Wasiirro iyo Taliyaal ciidan ku jiraan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---