Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidanka Xoogga DDS oo markii u horeysay la siiyey gaadiid dagaal (Sawirro)

Kumannaan ciidan ah oo ka mid noqonaya Ciidanka Gaarka ah ee xoogga dowlad degaanka Soomaalida ayaa saaka tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada gaashaanle Khadar ee degmada Birqod. Ciidammadani ayaa noqonaya dufcaddii 12aad.

Dufcaddani ayaa noqonaysa tii saddexaad ee qalin-jabisa muddo kooban oo saddex sano ah. Waxaana lagu qalabeeyay gaadiid iyo hub aan horey loogu qalabayn jirin xoogga ciidanka Deegaanka.

Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyadda xoogga ciidanku u leeyihiin dowladda iyo shacabka degaanka

“Dawladnimada aannu sheegaynno ee Deegaanka waxaa gun-dhig u ah idinka, Ciidammadu maanta waa kuwo sharaf iyo sumcad ballaadhan ku dhex leh shacabkooda oo ay jecel yihiin; isbaddel hadduu Deegaanka ka jiro waxa uu ka muuqdo waa Xooga Ciidanka Gaarka ah ee DDS” ayuu yiri Mustafe

“Waxaa hadda ka hor jiri jirtay in macallimiinta wax tababara ay ahaayeen kuwo aan Deegaanka u dhalan, balse maanta waa wax lagu faano in macallimiintu ay yihiin wiilal Soomaaiyeed oo aqoon durugsan u leh xirfadaha macalinnimo”, ayuu intaas ku daray madaxweynaha.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa bilaabay qorshe lagu dardar gelinayo tababarka ciidamada degaanka tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhada TPLF ee ka socda woqooyiga Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Mareykanka oo liiska argagaxisada ku dartay hogaamiye caan ah

Caydiid Ali

Jadwal cusub oo loo sameeyey xiliga ay soconeyso doorashada xubnaha Golaha shacabka

Caydiid Ali

Malaayiin Dollar uu xaday Sani Abacha oo loo qeybinayo dad masaakiin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---