Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda isdiidan ee Maamulka Galmudug oo Muqdisho u yimid dhexdhexaadin iyo dowlada oo..

Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay isku dhafka maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ayaa shalay soo wada gaaray Magaalada Muqdisho.

Waxaa ka mid ah Madaxda ugu sareysa ee Galmudug ee wadahadalka uu ugu furmayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamanka Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo xubno kale.

Kulamada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafkaasi ayaa waxaa garwadeen ka ah waxgarad ka soo jeeda degaanada Galmudug, dowlada Dhexe iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonaya in aan dib looga laabanin Isku darka Galmudug iyo Ahlusuna, halka dhinaca kalane Mdaxweyne Xaaf ay ku dhaliileen inuu doonayo in waqti dheeri ah uu ku darsado muddada uu haynayo xilka madaxtinimo Galmudug.

Khilkaafka ka dhex aloosan labada dhinac ayaa mudooyinkan si weyn looga dareemayey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo labada garab ay fariisimo ka kala dhigteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxda dalka ugu sareysa oo ka qeyb gashay Munaasabad casho sharaf ah oo…

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Madaxweyne Guudlaawe loo diiday inuu tago Magaalada Belad-weyne?

Caydiid Ali

Israel oo jawaab caro leh ka bixisay hanjabaad ka soo yeertay Erdogan

Caydiid Ali