Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen buuraha Golis oo lala wareegay (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland  ayaa howlgalo qorsheysan  ka fuliyey Buuraha gobolka Bari halkaasoo ay farsiimo ku leeyihiin xoogag taabacsan Al-Shabaab

Waxaa howlgalkan fuliyey ciidamada daraawiishta kuwa Birmadka iyo ciidanka ilaalada xeebaha ee PMPF, iyadoo degaanada laga sameeyey ay ka mid yihiin gaar ahaan dhagax dhaabuur iyo meelo u dhow deegaanka Madarshoon.

Howlgalka ayaa saaraakiisha hoggaamineysay waxay sheegeen in Bartilmameedku ahaa saldhigyo ay Al-Shabaab  ku lahaayeen godod ku yaalla buuraha dhexdood.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka ay kula wareegeen Ciidamada dhamaan goobihii ay howlgallada ka sameeyeen, ayna ka saareen Al-shabaab.

“Howlgalka weli waa socdaa, mana jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray Ciidamada, caddowgana waala baacsanayaa” ayuu yiri sarkaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarad Cusub oo lagu soo daray Wasiiradda Hrshabelle ee ka badnaa 80-ka xubnood

Cabdi Cade

(Sawirro) Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay goob ay ka socotay xuska Mowliidka Nebiga NNKH

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga iyo kuwa Caalami ah oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyay Jilib Marka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---