Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ka carooday talaabo ay qaaday kooxda Taliban

Mareykanka, Midowga Yurub iyo xulufadooda ayaa Taliban ku dhaleceeyay dilalka qorsheysan ee ay ku beegsaden xubnihii hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa dalbaday baaritaano deg-deg ah ka dib markii ay heleen xog sheegeysa in Taliban ay dilal aargoosi ah ku fulisay askartii dowladii hore qaarkood.

Taaalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afghanistaan bartamihii bishii Ogosto markii ay bur-bureen dowladdii Kabul ee taageerada ka heli jirtay Mareykanka iyo militarigii dalkaas.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya dilalka qorsheysan iyo afduubka loo geysanayo xubno hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Afghanistan, sida ay diiwaan gelisay Human Rights Watch iyo hay’ado kale,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Mareykanka, Midowga Yurub, Australia, Britain, Japan iyo dalal kale, kaas oo ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareyka.

“Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in falalka lagu eedeeyay Taalibaan ku jiraan xad-gudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka, kuwaas oo kahor imaanaya cafiskii Taalibaan ay ku dhawaaqday,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dalalkan.

Horraantii todobaadkan, hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixin ay ku sheegtay in laga bilaabo bartamihii Ogosto ilaa Oktoobar 47 xubnood oo hore uga tirsanaa ciidamada amniga qaranka Afghanistan, shaqaale kale oo militari, boolis iyo sirdoon oo ay qabteen ama isu dhiibay ciidamada Taalibaan in lagu fuliyay dilal aargoosi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burbur Dhaqaale oo ku yimid dalka Imaaraadka carabta iyo Sababaha rasmiga ah ee keenay!! (Daawo Video)

admin

Dowlada Kenya oo dib u fasaxday Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Gudoomiye kuxigeenka Maaliyadda G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---