Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay muddo dheeri ah ugu dareen baaritaanka dacwada kursi sumadiisu tahay HOP067 .
Kursigan uu dhawaan ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb Taliyaha KMG ee NISA Yaasiin Farey ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay nabadoonka saxiixaha kursiga iyo Musharax.
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo la filayay in go’aan kasoo saaraan dacwada kursigan ayey sheegeen in mudo kordhin loo sameeyay mudada baarista dacwada kursigan laga gudbiyay.