Allbanaadir.com
NEWS

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Waxaa xalay xaafad katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ka dhacday dhacdo argagax leh oo dad badan murug ku beertay kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu dilay xaaskiisa.

Sida aan wararka ku helnay muran ka dhashay lacag dhan 25-Dollar oo haweeneyda u diiday ninkeeda oo ka codsaday,  waxaana ugu dambeyn muranka uu keenay in ninkan uu si arxan daro ah u dilo xaaskiisa xaaskiisa 12-caruur ah u dhashay.

Ehelada haweeneyda la dilay oo lagu magacaabayay Qamar Cabdiraxmaan Cumar ayaa sheegay in ninkeeda uu xalay xili dambe si arxan daro ah ugu dilay toorey ay sheegeen in ay aheyd nuuca geella lagu qalo.

Ninka gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Maxamed Shiime Muumin ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgalo ay ciidamada booliiska  ku raadinayaan ninkan dilay xaaskiisa oo u dhashay 12-caruur ah oo sadex kamid ah ka saqiireen.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho kamid ahaa aabe wiilkiisa dilay iyo wiil isna aabihiis si arxan daro ah u dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dabkii caawa qabsaday Warshada Biyaha Zamzam (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada federaalka Somalia oo tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Faransiiska (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo Salaada ciida ka dib Khudbad ka jeediyey Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---