Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Volcano ka qarxay Buurta Mount Semeru oo dhimasho iyo dhaawac geystay (Sawirro)

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waxaa soo gaaray gubasho daran kadib markii foolkaane uu ka qarxay buurta Mount Semeru oo ku taala gobolka Java ee bariga Indonesia taasoo kumanaan qof ku qasabtay inay cararaan.

Muuqaalo ay wadaageen Sabtidii hay’adda ka hortagga masiibooyinka ee dalka (BNPB) ayaa muujinayay dadka deegaanka oo argagaxsan oo qiiq badan iyo dambas qariyey qaar ka mid ah tuulooyinka u dhow ee degmada Lumajang.

Labo qof oo kale ayaa la sheegay in la la’yahay siddeed kalena ay ku xayiran yihiin burbur, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

In ka badan 300 oo qoys oo caruur leh ayaa ka barakacay tuulada Curah Kerobokan ee Lumajang ka dib markii guryahoodii ay burburiyeen dambaska foolkaanada iyo laamiga.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Lumajang, Indah Masdar, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in hal qof uu dhintay, 41 qofna ay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah.

Qashin qaro weyn iyo daadad qabow oo heerka jilibka ah ayaa ku adkeeyey kooxaha samatabixinta in ay raadiyaan labada qof ee deegaanka ee la la’yahay iyo in ay daadgureeyaan siddeed qof oo ku xayiran dhismo uu dhoobo qariyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Midowga Afrika & EU-da oo si kulul ugu hadlay Weerarkii lagu qaaday xarunta Xalane

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo War ka soo saartay ismari-waaga ka taagan doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Haweeney iyadoo nin iska dhigeysa guursatay haween kale oo lagu qabtay Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---