Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha amaanka ee QM oo saddex bilood ku kordhiyey howlgal ka socda Somalia

Taliyaha Ciidamada Dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidamada Dowladda uga digay inay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah.

Wuxuu sheegay in askarigii qof shacab ah xabad ku rida in tiirka la geynayo, lana qisaasayo.

“Waxaan rabaa halkan inaan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, askarigii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka ayaa geyneynaa, kamana labalabeynayo” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadii lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho uu ka dhaceen falal amnidaro oo aad u fool xun, kuwaasoo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubaxii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliyaha Ciidamada dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa hadalkan ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeynayay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandoska Qaranka ee GorGor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga.

Booliska Soomaaliya ayaa xalay sheegay in ay hay’adaha amniga gacanta ku soo dhigeen askar dilal ka geystay magaalada Muqdisho, kuwaasoo sharciga la horgeyn doono

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil uu dhalay Usama Bin laden oo la shaaciyey inuu booqday dalka Afghanistan

Caydiid Ali

Ciidanka ATMIS oo howlgalo ka bilaabay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Mareykanka oo 50 sano ka dib dayax gacmeedkii u horeeyey ka dejiyey Dayaxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---