Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa baaris lagu bilaabay kadib markii uu baraha bulshada ka sheegay war been abuur ah oo ku saabsan in talaalka cudurka Covid-19 laga qaado cudur kale oo halis ah.
Jair Bolsonaro, ayaa muuqaal toos ah ka sheegay in talaalka loogu tala galay cudurka Covid-19 dadka qaata ay halis sare ugu jiraan inay qaadaan xanuunka halista badan ee AIDS-ka.
Maxkamadda sare ee dalka Brazil ayaa furtay baaritaano ku aadan warkan been abuurka ah uu faafiyay Madaxweyne Jair Bolsonaro, baaritaankan ayaana yimid kadib markii uu caro badan abuuray warka uu sheegay Madaxweynaha.
Madaxweynaha Brazil ayaana warkan been abuurka ah sheegay isaga oo tabin toos ah ugu jiray baraha bulshada, waxaana muuqaalka uu arintan uga hadlay laga saaray baraha bulshada gaar ahaan Facebook, Youtube iyo kuwa kale.
Jair Bolsonaro, ayaa marar badan shaki galiyay wax tarka talaalkan loogu tala galay kahor taga Covid-19, waxaana sidoo kale Hogaamiyahan ku socda baaritaan kale oo ku aadan habka uu u maareeyay cudurka Covid-19 oo dad badan ku dilay Brazil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com