Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Biixi ”Walaahi Askarigii Qof Shacab ah Xabad ku rida waxaan geyneynaa Tiirka ”

Taliyaha ciidamada lugta ee milatariga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlayay ciidamo katirsan Gor Gor oo tababar loo soo xiray ayaa si kulul u cambaareeyay dilalkii ciidamo katirsan milatariga ka geesteen Muqdisho.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in aan la aqbali karin ciidankii loogu tala galay in amaanka shacabka ilaaliyaan in iyagii ay dilaan shacabka, waxa uuna digniin adag u diray ciidamada milatariga ee rasaasta ku rida shacabka sidoo kale dila.

Waxa uu ku dhaartay Jeneraal Biixi askarigii qof shacab ah xabad ku rida in ay geyn doonaan maxkamada ciidamada si talaabo looga qaado, waxa uuna cadeeeyay in aan la aqbali karin ficilada qaar ay ciidanka sameenayaan.

”Askarigii  qof shacab ah xabad ku rida , Walaahi baan ku dhaartay tiirka maxkamada geeneynaa,meel ka sukeesa oon geyneyno ma jirto, dadkii aad usoo tababarateen oo loogu tala galay in aad ilaalisaan ma aqbaleyno in aad amnigooda qal qal galisaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi  .

Taliyaha ciidanka lugta ee Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in askarta lasoo xiray ee loo heesto dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho si deg deg ah maxkamad loo horgeyn doono si loo marsiiyo ciqaabta dambigii ay galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano ka dalbaday Maamulka Puntland in la joojiyo kaniiniga Viagra

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay Xasuuqeen Maxaabiis iyo Shacab kasoo jeeday Tigrey

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo niyad jabsan iyo Dowlada oo Mashquul kale ku jirta !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---