Allbanaadir.com
NEWS

Digniin adag oo loo diray Ciidamada Dowlada ee rasaasta ku fura dadka shacabka ah

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay falal dilal ah ay geesteen ciidamo katirsan dowlada kuwaa oo si micno daro ah u furay rasaas xili ciriiri ka jiray laamiga Dheer ee Maka Al Mukarama.

Afhayeenka Ciidanka booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan  ayaa digniin u diray Askarta rasaasta furta xiliyada saxmadda ay noqdaan wadooyinka ,waxa uuna sheegay in askartii falalkaasi lagu helo ay mari doonaan ciqaab adag.

“Ciidamada waxa aan uga digeynaa in ay rasaas ku furaan waddooyinka, wixii saxmad ah iyo kala socodsiinta wadada ah waxaa u xilsaaran ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka, Gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada waa in ay dulqaad muujiyaan waqtiyada ay marayaan waddooyinka ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Booliiska.

Ciidamada dowlada ayaana xalay iyo habeen hore siyaabo kala duwan Laamiga Dheer ee Maka Al Mukarama ku dilay sadex ruux oo labo kamid ah ahaayeen walaalo kuwaa oo xiliga la dilayay la socday Mooto Bajaaj.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo arrin muhiim ah kala hadlay Fexton Matupa (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa sababay in Elon Musk lumiyo kaalinta shaqsiga ugu hantida badan dunida?

Caydiid Ali

Mahad Salaad: “Farmaajo & Khayre taariikh madow ayay u horseedeen Soomaaliya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---