Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay dil xalay iyo caawa ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya Muqdisho ugu geesteen Wiil iyo Gabar walaalo ahaa iyo sargaal kale oo katirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Rooble ayaana si gaar ah ugu tacsiyadeeyay lana qeybsaday murugada ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen dhalinyaradan sida gardarada ah loogu dilay magaalada Muqdisho.
”Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa una tacsiyeynayaa qoysaskii ay geeriyoodeen Allaha naxariistee dhallinyaradii xalay iyo galabta lagu dilay Muqdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud .” ayuu yiri Raisul Wasaare Rooble.
Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaana cadeeyay in ciidamada amaanka soo qabteen eedeesanayaasha dilalka lagu tuhmayo, waxa uuna dalbaday in si deg deg ah cadaalada loo horgeeyo.
”Waa tallaabo wanaagsan in ciidammada ammaanku soo qabteen eedaysanayaashii. Waxaan farayaa in si deg deg ah sharciga loo hor geeyo si dhibbaneyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan.” ayuu yiri Rooble