Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuumada Soomaaliya oo War kulul ka soo saartay dilka Sowdo iyo Sakariye

Wasiirka  Cadaallada Xukuumada Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen  Sakariye Max’uud Xuseen iyo Sowdo Max’uud Xuseen oo xalay gacan ka xaq daran ku dishey magaalada Muqdisho.

Labada Marxuum ayaa xalay lagu dilay isgoyska Dabka ee jidka Maka Al-Mukarama xili ay la socdeen Mooto Bajaaj ka dib markii ay rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidamada dowlada.

“Falkan foosha xun markuu dhacay waxaan la xiriirey hayadaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaartey. Ciidamada amaanka waxay ii xaqiijiyeen in ay baaris socoto lana daba joogo falkaan cidii geysatey ayuu yiri” Wasiirka.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in  Shacabka Soomaaliyeed uu u balan qaadayo,  iyadoo loo maraayo hanaanka Cadaalad u raadinta dhibanaha in la hor keeni doono Cadaalada cid alaale cidii falkaan foosha xun geysatay.

Qoyska  Sakariye iyo Sowdo oo walaalo ahaa waxay maanta ka dalbadeen dowladda Soomaaliya inay cadaalad u helaan dilkaas, iyagoo xusay inaa la aasi doonin inta laga soo xirayo askarii falkaas geysatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ku burburtay duleedka degmada Buulo Burde & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Toogasho saakay ka dhacday magaalada Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Guddiga doorashada federaalka oo laalay natiijada labo kursi oo lagu doortay Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---