Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoyska walaalo lagu dilay Muqdisho oo shuruud adag ku xiray in la aaso

Qoyska laba walaallo ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbaday cadaalad, waxayna go’aansadeen inaan la aasin labada marxuum ee ku baxay gacanta ciidamada dowladda.

Zakariye Maxamud Xuseen Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Xuseen Kalafoge ayaa la dhigay Isbitaalka Somali Sudanese waxaana halkaas kula hadlay warbaahinta eheladooda oo sheegay in Meydadka labada Marxuum aan la aasi doonin inta cadaalada laga horkeenayo kuwii dilay.

Cabdirashiid Maxamuud Xuseen Kalafoge oo la dhashay marxuumiinta la dilay oo ay murugo ka muuqato ayaa sheegay labada walaalaha loo dilay si bareer ah aysana jirin cid ay wax ka galabsadeen

Qoyska ayaa Madaxda dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir ka dalbaday inay qaadaan tallaabo cadaalada lagu horkeeno Askartii ka dambeysay Dilka loo geystay Zakariye iyo Sowdo, waxayna ku eedeeyeen hay’adaha Amniga inaysan ilaa hadda la soo xiriirin, wax tallaabo ahna qaadin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo niyada u qaboojiyay Finland Niyad jab cusubna ku riday Sweden

Cabdi Cade

Musharaxiinta Mucaaradka oo sameystay ilaalo xooggan & Somaliland oo wajaheysa ciqaab

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---