Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal yar oo lagu amaanay guul uu ka gaaray la dagaalanka cudur halis ah

Dowladda Botswana ay qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu ciribtirayo in hooyadu ay dhallaanka u gudbiso fayraska HIV sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Bostwana weli waa mid ka mid ah waddamada adduunka ee uu sida ba’an u saameeyay fayraska HIV/AIDS, haddana khubaradu waxay sheegeen in heerka uu haatan waddankaasi ka gaaray yareynta in hooyadu ay fayraskaasi u gudbiso ilmaha ay tahay arrin aad u wanaagan.

Sanadkii 1999, boqolkiiba 40 hooyooyinka uurka leh ee qaba HIV/Aids ee dalkaasi Botswana ayaa u gudbinayay fayraskaasi ilmahooda Tiradaasi ayaa sanadkii hore hoos u dhacday oo gaartay wax ka yar boqolkiiba laba

Hay’adaaha WHO iyo UNAIDS ayaa suurtagalnimada tallaabadaasi Botswana ku sheegay inay ku timid sanado badan oo dalkaasi ay ka jirtay hoggaan siyaasadeed oo aragti fog leh iyo siyaasado caafimaad oo hufan.

WHO ayaa horumarkaasi Botswana ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay waddankaasi oo ka mid ah waddamada adduunka ee uu faraha ba’an ku hayo cudurkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo bixisay digniin la xiriirta maamulka garoonka diyaaradaha ee Kabul

Cabdi Cade

COVID-19 oo Dadkii ugu badnaa hal maalin ku dilay Maraykanka & Britain

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saakay soo gaaray Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---