Isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu dilay labo qof oo shacab ah.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in nin Hubeysan uu rasaas ku furay Mooto bajaaj wadada mareysay, isagoo dilay wiil iyo qof dumar ah oo la socday mootada.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ninka hubeysan ee dilka geystay uu ku lebisnaa dareyska ciidamada amaanka DF.
Labada qof ee la dilay oo la sheegay iney ahaayeen walaalo wada dhashay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Zaki Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge.
Zaki iyo Sowdo oo geeridooda ka hor ka yimid Isbitalka Yardameli ayaa u socday in ay casho usoo iibiyaan gabar ugu foolaneysay isbitalka sida wararku sheegayaan.
Weli ma cadda sababta ka dambeysa falkan inkastoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya iney ismaan dhaafeen darawalka bajaajka waday iyo askariga rasaasta furay.
Ma jiro illaa hadda war dhacdadan ku saabsan oo ka soo baxay ciidamada amaanka dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in isgoyska Dabka uu ka mid yahay goobaha amaanka roon, waxaana fariisin ku leh ciidamo Boolis ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com