Guddiga Amniga Gobolka Bari ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Boosaaso iyaga oo ka hadlay xaaladda Magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Agaaaimihii PSF.
Waxaa kulanka ka soo baxay go’aano dhanka amniga la xiriira, waxaana shir gudoomiyey Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabduqaadir Jaamac Dirir, iyadoo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada Amniga Gobolkaasi Bari.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Abwaanka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay xiisad aan jirin laga abuuray magalada Boosaaso, isla markaana dadka jecel burburka Punfland ay buun buuniyeen arrintaas haatana ay tahay mid nabad ah, wuxuuna akhriyay go’aannada ay soo saareen oo kala ah.
1-In maanta laga bilaabo ciidamada Ammaanka ay howlgallo ka fuliyaan dhamaan xaafadaha Magaalada Boosaaso xilli qeyb kamid ah ay ku sugan yihijn Ciidamada PSF oo hubeysan.
2-In ciidamo hubeysan oo aan aheyn kuwa howlgalka ku jira aan lagu arki karin Gudaha Magaalada Boosaaso.
3-In guddiga amniga ay ilgaar ah ku hayaan dadka caadeystay falalka kicinta & barabogaandada ah ee amniga Bulshada lagu khalqal gelinayo.
Guddoomiyaha Gobolka Bari waxaa uu sheegay inay jiraan dad wada kicin Bulsho, kuwaas oo lacago kaga soo qaata wax uu ugu yeeray caddowga Puntland iyagoo ku sugan degaano ka tirsan Puntland ama gobolo kale, kuwaasoo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com