Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Doxa ee dalka Qatar.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta oo lagu qabanayo magaalada Doxa.
Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com