Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddi uu dhowaan Magaacabay Rooble oo qabtay shaqadiisii ugu horeysay

Kulan lagaga hadlayay dadaalada looga jawaabayo gumadka abaaraha oo ay ka qeyb galeen Guddiga Gurmadka Abaaraha DFS ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Hey’adaha Caalamiga ee Samafalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo ay shir guddoomineysay Wasiir Khadija Mohamed Diriye Wasiirka Gargaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wakiilada hey’adaha OCHA, WFP,UNHCR,WHO ,IOM ,FAO iyo kuwa kale.

Kulanka ayaa waxa lagu wadaagay dadaalada socda ee lagaga jawaabayo abaaraha , sida deg deg ah ee lagu caawin karo dadka ay saameeyeen abaaraha ee isugu jirta biyo iyo cunto yarida iyo deegaanada u daran ee abaartu sida ba’an u saameysay.

Waxa leysku raacay in si wadajir ah loo xoojiyo gargaarka deg deg ah ee loo dirayo dhulka abaaruhu saameeyeen iyada ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo diyaarisay Xarunta Qaran ee ka Jawaabidda Masiibooyinka .

Wasiir Khadija ayaa ka warbixisay dadaalada Dowladda ,Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbajoogta oo kaalin muhima ka qaadanaya caawinta walaalahood ay abaartu ceyrteysay.

Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM in yabooh lacageed ay ka heleen deeq bixiyayaasha kuwaas oo wax lagaga qabanayo abaaraha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo xirtay jidka u baxa Gegida dayuuradaha Boosaaso

Caydiid Ali

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---