Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo dalka Qatar kula kulmay Xasan Cafiif

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Xasan Cafiif oo kamid ah xiddigihii Xulka Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Kubbadda Cagta ee Horseed.

Madaxweynaha ayaa xusay sooyaalka iyo waayihii quruxda badnaa ee Xasan Cafiif uu ku lahaa Xulka Qarankeenn iyo Kooxda kubbadda Cagta ee Horseed oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid ahaa taageereyaasheeda, waxa uuna ku aammaanay doorkii uu ka soo qaatay horumarinta iyo shacbiyadda kubadda cagta ee dalkeenna.

Dhankiisa, ciyaaryahan Xasan Cafiif ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka kulankan iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu ugu sameeyey hoyga uu kaga sugan yahay magaalada Dooxa oo uu safar shaqo ku joogo.

Related posts

Madaxweynaha Somalia & RW Itoobiya oo caawa u ambabaxay Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin kufsi iyo dil arxan daro ah isugu daray gabar Lix sano jir ah oo la daldalay

Cabdi Cade

Banaan bixii bari ka dhici lahaa Muqdisho oo la baajiyay iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---