Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ka hadlay Eedeytii kasoo yeertay Midowga Musharaxiinta

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada dadban ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga jawaabeen eedeyn dhawaan kasoo yeeray golaha Midowga Musharaxiinta oo sheegay in xubno laga hor istaagay doorashada lagana diiday in dacwada laga qabto.

Qoraalka kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen labo dacwo oo la xariirta doorashada golaha Shacabka, waxa ayna beeniyeen in ay jireaan dad loo diiday in dacwad laga qabto.

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaana ka dalbaday Golaha Midowga Musharaxiinta in ay keenaan cadeemo muujinaya in guddiga is hortaga ku sameeyay in uu qabto dacwado musharaxiin iyo dad kale.

Halkan ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen guddiga xalinta Khilaafaadka 

 

Related posts

Aqalka Sare oo Qaraar kasoo saaray Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid (Akhriso)

admin

Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Qaramada Madoobay oo taageero hor leh u ballanqaaday Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---