Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska NISA oo shaaciyay iney Muqdisho ku laayeen 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Qoraal kooban oo xalay hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo  Maafiyada AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 ka mid ah Argagixisada. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo badbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Laguma kala cadeyn qoraalka in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama bartilmaameedku ahaa 15 xubnood sidoo kale qoraalka laguma xusin goobta iyo degmada uu ka dhacay howlgalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni oo booqday daadadkii Qardho, baaqna u diray DF & beesha caalamka

Caydiid Ali

Shir xasaasi ah oo ka furmaya Garoowe iyo Xiisada ka taagan doorashada Somalia oo..

Caydiid Ali

Jadwalka Doorashada Xildhibaanada , Gudoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha oo lasoo saaray (Sawirro)

admin
Taboola Ads ---