Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Putin oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Ruushka Vladimir Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaasi Ruushka Mudane Xasan Cabdi Daa’uud.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiiradda cusub ee uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay kuwaasoo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madaxweyne Putin, ayaa dowladda Soomaaliya u rejeeyay inay ka guuleysato dagaalka ay kula jirto xag-jirka iyo argagixisada iyo dadaalka ay ugu jirto sugidda wadajirka dhulkeeda.

Mudane Xasan Cabdi Daa’uud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay fariisimaha ciidanka Huwanta ka joogaan Xarardheere (Sawirro)

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray taliyaha Booliska Somalia iyo saraakiil ka socotay dowlada Masar

Caydiid Ali

Dowladda oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Boos Hareeri

Cabdi Cade
Taboola Ads ---