Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon, khudbadna ka jeediyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalamaha xorriyada.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda.

“Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyneynaa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, waxaa waajib inagu ah wax walba oo aan sameyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo ka hadlay Dagaal Dhuusomareeb ku dhax maray Ciidamo kala taabacsan Kulane Jiis iyo…

Cabdi Cade

Dhagxaan ku go’neyd Mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan Muqdisho oo la bilaabay in la qaado

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farta ku fiiqay beelaha dega Deegaannada ay Al Shabaab heestaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---