Xaalad kacsanaan ah ayaa l soo sheegayaa iney ka jirto Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari xili aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo taliska ciidamada PSF.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo horleha ayaa laga dareemayaa magaalada Boosaaso iyadoo dadka qaar ay ka qaxeen xaafadaha qaar ee magaaladaasi ka dib markii ay xalay difaacyo ka sameysteen ciidamada PSF inkatoo ay saaka dib uga gurteen.
Todobaad ah ayaa ka soo wareegtay markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla markaana u magacaabay agaasime cusub, taasoo ay ka soo horjeesteen taliska PSF.
Madaxweyne Deni ayaa xalay hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle, kaasoo u muuqanayay hadal uu si dadban ugu dirayay ciidamada PSF “Puntand waxay yeelan doontaa hal ciidan, mana aqbaleyno ciidan rag gaar ah leeyihiin” ayuu yiri Deni.
Maamulka Puntland ayaa ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF-ta ku eedeeyay inay barakicin ka wadaan magaalada Boosaaso.
Hase ahaatee taliska ciidanka PSF ayaa beeniyey arrintaas, iyagoo taas bedelkeed ku eedeeyey Maamulka inuu ciidamo badan ku soo daabulay magaalada Boosaaso si ay dagaal uga huriyaan.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo Magaalada Boosaaso si loo xaliyo xiisada ka dhalatay xilka ka qaadista taliyaha PSF, iyadoo illaa hadda aysan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray labada dhinac.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com