Farmaajo qorshaha ay Qatar u dejisey waa inuu boobo doorashada, kadibna uu dagaal ku qaado siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada ka soo horjeeda, isla markaasna u dowladnimada ka sifeeyo dhamaan rugcadaaga waayo araga ee weli ku dhex jira shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu madax adeyga wadaninimo uu weli ku dambeeyo.
Waxey sidoo kale u sameeyeen shax lagu bixinayo dhaqaale siyaasadeed oo lagu laaluushayo nabadoonada waayeelka ah oo ku nool saboolnimda, sidaas si la midana dhalinyaradda ka soo jeeda qoysaska saboolka ah oo aan wax shaqo ah heli karin in iyagana loo abaabulo qaab jaajuusnimo dharcada oo darajo hoose ah, kuwaas oo loo carbinayo si ay u naqdiyaan mucaaradka ehelkooda ah, iyagoo sirdoonka rasmiga ah ay hawlahooda ka hagayaan daaha gadaashiisa.
Dagaalka lagu tuurayo ibliisnimada Farmaajo waxaa ka horeeya marka hore in la dhiso xisbi siyaasadeed leh aragti kmg oo lagu mideysan yahay, kaas oo ka kooban labo garab oo kala ah: garab siyaasadeed ku hubeysan diblomaasiyad oo ka turjumaya habdhaqanka urur siyaasadeed iyo garab ciidan dagaal oo ku hubeysan qalbka iska caabinta mileteriga oo isna ka turjumaya habdhaqanka jabhadeed.
Garabka siyaasadda ayaa ah midka ay kaalintiisu ugu muhimsan tahay oo loo baahan yahay in diblomaasi ahaan ay dib uga soo celiyaan dadkii uu duufsaday ibliisku, islamarkaasna hagaan daryeelka iyo taakuleynta hawlgalada garabka ciidanka. Hawlgalada diblomaasiyada waa iney ka horeeyaan hawlgalada jabhadeynta, maxaa yeelay waa ay adag tahay in dagaal la bilaabo inta qeybo adiga kaa mida ay ku daaban yihiin ibliiska, sidaas daraadeed ayey muhiim u tahay in marka hore la soo xero-geliyo inta badan ee dhaqaalaha Qatar lagu duufsaday.
Waxey taladoodu mariin habaabsan tahay inta aaminsan oo isku haleyneysa in bulshada caalamku tilaabo ka qaadeysa xadgudubka madaxda saree ee Soomaaliya, maxaa yeeley hawshaas waa mid u taala Soomaalida oo u gaara arrimahooda gudaha. Kuwaan taladoodu waxey la mid tahay goobjoognimo marqaati ka ah korjoogteynta hanaanka xukunka duurjoogta oo cid walba ay kor ka fiirineyso tacadiyada dugaagu ku hayo xoolaha kale oo duur joogta ah, taas oo ka dhigan: “ Waxaan nahay marqaatiga nool oo sida ay wax u dhaceen oo keliya diiwaan gelinaya ee ama isdhiib sidii la rabo ha lagaa yeelo ama dagaal isku difaac, ama iskaga carar degaankaaga, intaasna mid ka xulo si loogu sharciyeeyo doorashada.”
Dagaalku wuxuu xaq yahay marka aad ku difaacaneysid xuquuqdaada iyo xoriyadaada ama lagu ridayo madaxda dowladda oo aan ku imaan doorashada rabitaanka shacabka iyo dastuurka heshiiska lagu yahay sharciyadiisa. Dagaalku wuxuu dembi yahay marka lagu gelo dembiyo dagaal oo tacadi loogu geysto dadka rayidka ah oo aan hubeysneyn iyo dadka aan galabsan dembiyada oo dhiigooda iyo xoolahooda la xalaaleysto ama eedeysaneyaasha laga awooda batay oo si aan sharci maxkamadeed lahayn lagu dilo ama lagu waxyeeleeyo ama loogu xadgudbo xuquuqdooda iyo xoriyadooda maxkamad la’aan.
Qorshaha Qatar ay ku dooneyso in Soomaaliya ay uga sameyso xukun boqortooyo oo ay madax ka yihiin amiiro argagixiso ah oo hoos yimaada maamulkooda, Farmaajana uu yahay aaladii riyadaas lagu rumeyn lahaa, ayaa ah mid wax ka qabashadeeda aan dib loo dhigan karin oo u baahan in si deg deg ah xukunka xoog looga tuuro Farmaajo iyo tacbaneyaashiisa mitidka ah ee ku daaban argagixisada iyo dhagarta shisheeyenimo ee shirqoolada Qatar.
W/Q: Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Musharax xilka Madaxweynaha Somalia, ahna
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka