Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Somaliland la safatay mid ka mid ah dhinacyada ku hardamaya Itoobiya?

Wasiirka  arrimaha dibada Somaliland Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ayaa ka jawaabay warar ay qoreen warbaahinta Itoobiya qaarkood oo sheegaya in Somaliland taageertay dagaalka ka dhanka ah TPLF ee ka socda Itoobiya.

Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland soo dhaweyneyso wax kasta oo nabad ku soo dabaali kara dalka Itoobiya oo ay ka socdaan dagaalo sokeeye.

Wasiirka ayaa xusay in Somaliland ay dhexdhexaad ka tahay dagaalka ka socda Gudaha dalka Itoobiya, isagoo meesha ka saaray in Somaliland ay taageertay dagaalka Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF.

Madaxweynaha Somaliland ayuu sheegay wasiirku inuu kaliya uu kala hadlsy Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar oo booqasho ku tegay Hargeysa iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.

Warbaahinta Itoobiya ee EBC ayaa dhawaan qortay in waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ay ku jirto taageero Somaliland u muujisay dagaalka dowladda Itoobiya kula jirto Kooxda TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasime Koofi oo la dardaarmay howlwadeeno ka tirsan Heyadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo booqasho ku imanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Taliban oo Shirkado Ajaaniib ah la saxiixatay qandaraasyo ku kacaya balaayiin dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---