Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Uganda iyo Congo DR oo wadajir u bilaabay howlgal ka dhan ah Daacish

Ciidamada Uganda iyo Congo DR ayaa si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaasoo lala beegsaday Maleeshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF)

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.

“Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.

Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga guda dalalkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Mid ka mid ah madax dhaqameedka iyo qof kale oo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii Talaadada ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bari ee Congo.

Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri “Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan.” “Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay.” yay sii raacisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidamo uu horkacayo Jen. Caanood oo howlgalo ka wada magaalada Marko

Caydiid Ali

Boqor Buurmadow oo goordhaw Xabsiga laga sii daayay kadib Cafis loo fidiyay

Cabdi Cade

Iran daldashay rag lagu eedeeyay in ay qorsheeyeen qarxinta Warshad hubka sameysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---